Home » Arimaha Bulshada » Yaab: Dalka Japan laga Furay Hotel Logu talo Galay Dumar Murugta La soo Diristay (Warbixin)

Yaab: Dalka Japan laga Furay Hotel Logu talo Galay Dumar Murugta La soo Diristay (Warbixin)
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-08-16 9:06 AM

Dhammaanteen waxaan u baahanahay maylo wanaagsan oo aan nafis ku qaadano marka aan murugeysanahnay  hoteel laga furay dalka marba marka ka dameyso hormar garaayo ee Japan  ayaa ah mid logu talo galay in ee ku nastaan dadka carada qabo iskuna Dhaxbuuqsan haba igu badanadaan Dumar.

Waxa oo Hotel kaani ku yalaa  Caasimadda Japan ee Tokyo  Waxaana oo dhowr dhaw shaaca ka qaaday in ee ayaga yihiin Hotelka ugu horeyay ee Caalamka bilaaway arimahaani Cajiibka ah  ee ugu talo galeyn dadka Xanaaqsan .

Mitsoy Garden Yotsoya  oo ah madaxa Hotelkaani ayaa isagoo sharxaaya adeeggan wuxuu tilmaamay inay diyaariyeen Qolal u gaar ah Haweenka murugeysan ee doonaya inay helaan meel ay ku nafisaan.

Qolalkan waxaa loogu magac daray “Qolalka Oohinta”, waxaana midkiiba lagu kireynayaa lacag dhan 10 kun oo lacagta Japan ee Yan-ta loo yaqaan ah una dhiganta $83.

Waxaa intaas dheer in Qolalkan lagusoo bandhigayo Filimaan caan ah oo loogu tala galay inay Haweenka ka caawiyaan is hilmaansiinta murugadooda.

Sidoo kale qolalka waxaa ku diyaar ah Go’yaal diirran oo sariiraha lagu goglayo, Waraaqaha Mandiilka loo yaqaan oo kuwo jilicsan ah iyo agab kale oo raaxo iyo diiranaan laga helayo.

Hotelkaani waxaa shaaca laga qaaday in oo shaqo bilaaway sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2015 waxaana oo haatan noqday mid si weyn u leh Macaamiil u badan Dumar kuwaasi oo Murugo la soo diristay.