Home » Arimaha Bulshada » Yaab Malmo kadib markii oo ku guleestay 18 Milyan oo dollar Ayuu Dib ugu Laabtay Shaqadisii Farsamo

Yaab Malmo kadib markii oo ku guleestay 18 Milyan oo dollar Ayuu Dib ugu Laabtay Shaqadisii Farsamo
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 25-07-16 8:29 AM

Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska ayaa go’aansaday inuu shaqadiisa dib ugu laabto oo ahayd farsamo yaqaan dhanka tuubbooyinka “Tuubbiiste”, kaliya labo maalmood ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta grand ee bakhtiyaa nasiib gaadhayay 14 milyan oo gini una dhigan tah 18 milyan oo dollar.

Jariidada  la yiraahdo ” Mirror” ee ka soo baxda dalka Britan ayaa sheegay in John Doherty oo 52 sanno jir ah uu go’aan saday inuu ku laabto shaqadiisa maxaa yeelay, wuxuusan rabin in uu ka fogaado macaamiishiisa wanaagsan, waxaanuu sheegay inuu diidan yahay inuu guriga ku caajiso haddii uu iska fadhiisto camal la’aan, shaqada kaliya ee uu yaqaanaana ay tahay farsamada.

Wargeyska ayaa sheegay in ay la soo Talaadadii la shaaciyay guusha Doherty oo ah  aabbe leh wiil la yiraahdo Ryan 20 jir ah iyo gabadh la yiraahdo Laura oo 11 jir ah xaaskiisa oo la yiraahdo Allison 50 jir ah, waxaana lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay 14 milayan oo gini oo ah Bakhtiyaa nasiib weyn oo sanad kasta qofi ku guuleysto.

Laakiin sagaalkii subaxnimo markii la gaaray ayuu ninkani u labsitay shaqadiisa waxaanuu sheegay;” Waxaan ku raaxaysaa shaqadeyda, taas oo aan ku noolaa muddo dheer”.