Home » Arimaha Bulshada » YAABKA ADUUNKA: Wali Ma Aragtay Joodari Ama Isbuunyo Lagu Tartamaayo, Dhalinyaro U Dhalatay Dalka Shiinaha Oo Dunida Baray Tartan Cusub Hadaba Wax Ka Ogow Tartankaas Iyo Wuxuu Yahay.

YAABKA ADUUNKA: Wali Ma Aragtay Joodari Ama Isbuunyo Lagu Tartamaayo, Dhalinyaro U Dhalatay Dalka Shiinaha Oo Dunida Baray Tartan Cusub Hadaba Wax Ka Ogow Tartankaas Iyo Wuxuu Yahay.
Waxaa Qoray: Cabdu Wahaab Axmed Cali /////////// Taariikh: 28-07-16 3:09 PM

Somalida waxay ku maah maahdaa nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban, waxaa jira Tartamo kala duwan oo ka dhaca dunida kuwaas oo iskugu jira kuwa laga ciyaaro maskaxda iyo kuwa kale oo laga ciyaaro muruqa kuwa muruqa laga ciyaaro waxaa kamid ah ciyaarta musaricada Taas oo ah kaa xoog badni nin waliba uu muruqiisu ku faanayo.

Balse maanta waxaan idin wadaa aqristayaal ciyaar cusub oo laga ciyaaro dalka Chine naha Taas oo ah mid  ay ka qeyb galeen in kabadan 2,016 oo qof kuwaas oo wata Isbuunyo ama Joodari waxaana hal mar  la dhawaajinayaa seeyriga iyadoo laga bilaabayo qofka ugu horeeya islamarkaana waxaa uu isku tuurayaa joodarigiisa ama Isbuunyaadiisa taas oo keenaysa in qofba qof ka kale uu ku dhaco uuna noqdo mid si saf ah dadku ay u daatan taas oo muuqaal ahaan marka aad daawato ku xiisa galinaya.

Buuga lagu qoro dhacdooyinka aduunka ee lagu magacaabo  Guinness World Records ayaa lagu daray ciyaariyahanada 2,016 kuwaas oo dunida ka yaabsaday madama ay soo bandhigeen Ciyaar ay dad badan layaabeen.

Qaban qaabiyaasha tartanka ayaa ku tabarucay markii uu soo idlaaday tartanka 300 oo joodari dad uu saameeyn ku yeeshay daaday iyo fatahaado ka dhacay gobolo ka tirsan dalka Shiinaha, waxaana uu sheegay Sarkaal u hadlay ururkii soo qaban qaabiyay tartanka waxaana uu sheegay in ay ahayd hormar iyo aragti cusub oo hanti iyo madadaalo u ah dadkeena iyo kuwa dunida .

“Qosol iyo Qaraaxo badan ayeey u ahayd dadkii u soo daawasha tagay ciyaartan layaabka leh waxaan mutaysanay in nalagu abaal mariyo in nalagu daro buuga lagu qoro dhacdooyinka layaabka ah ee Guinness World Records, waxaan ku dadaaleena inaan sameeyno waxyaabo cusub oo aan dadka ugu faa’iideeynayo,” ayuu Hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Sarkaalkaas u hadalay qaban qaabiyaasha tartanka joodari isku tuurka ee ka dhacay dalka Shiinaha.

 

Largest human mattress dominoes portrait
Largest human mattress dominoes shopping centre China
Largest human mattress dominoes certificate presentation China

Tartanka ayaa socday 14 daqiiqo iyo 12 second waxaana u soo daawasha tagay kumanaan taageerayaal, sidoo kale ciyaartooyda kasoo muuqday tartanka ayaa lagu casuumay xarunta ay kuleedahay Magaalada Bejien Hay’ada Guinness World Records.

Hadaba Yaan hadal kugu daalininee Daawo Muuqaalka Tartankan dunida ku cusub.