Home » Arimaha Bulshada » Yey Taageero u yihiin Atoorayaasha ugu caansan Bollywood ka (Daawo).

Yey Taageero u yihiin Atoorayaasha ugu caansan Bollywood ka (Daawo).
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-08-16 11:41 AM

 Maanta waxaan dooneynaa inaan maqaalkeena diirada ku saarno jilaayaasha caanka ah ee reer Bollywood iyo ciyaaryahanada ay taageeraha u yihiin, Sida aan wada ognahay Bollywood ka waa shirkadda labaad ee ugu weyn soo saarista aflaanta marka laga soo tago Hollywood oo ah shirkad ay leeyihiin reer Galbeedka.

Iyada oo ay taa jirto hadana waxaa in badan aragnay oo aan idin soo gudbinay in jilaayaasha u dhashay dalka Hindiya qaarkood ay jecel yihiin ciyaarista kubadda Cagta iyaga oo ciyaara mararka ay firaaqada yihiin.

Halkan hoose ka daawo Sawirada Aktarada Bollywood ka iyo ciyaaryahanada ay sida aadka ah u taageeraan.

Shahrukh Khan ayaa taageero weyn u ah David BeckhamShahrukh-Khan-Favorite-David-Beckham

Boqorka Bollywood ka SRK ayaa teegeero Weyn u ah xidigii hore ee kooxaha Manchester United, Real Madrid, AC Milan, PSG iyo xulka Ingiriiska David Beckham.

Ninkan ku caan baxay laadadka xorta ah ayaa u saftay xulka lagu naaneeso sedexda Libaax 115 jeer intii u dhaxeysay sanadihii 1996 kii ilaa 2009 kii, waxa uuna u dhaliyey 17 Gool.

Salman Khan ayaa taageero weyn u ah  Robin Van Persie

salman-khan-Van Persie

Jilaagii Jilay film ka Akshan ka iyo xarakada isugu jira ee Dabangg ayaa isagana xiiseeya Kabtankii hore ee xulka Netherlands iyo kooxaha Arsenal, Manchester United Robin Van Persie, Salman Khan oo ku raaxeysanayo sanad wanaagsan ayaa jecel daawadashada kubada ciyaaryahankan u ciyaara kooxda Fenerbahce.
Libaaxaan lagu xusuusto madaxii uu ka dhaliyey xulka Spain koobkii aduunka ciyaartii ay isaga hor imaadeen Koobkii aduunka 2014 ka, waxaa sidoo kale loo aqoonsaday goolka RVP midkii labaad ee ugu qurxoonaa koobkii aduunka lagu qabtay dalka Brazil.

Aamir Khan waxa uu taageero buuxda u yahay Boqorka Xarakada Ronaldinho

Aamir Khan vs Ronaldinho

Halyeyga u dhashay dalka Brazil Ronaldinho ayaa taageerinimo dheeraad ah ka helo jilaaga aadka loogaaga jecel yahay dhamaan daafaha caalamka gaar ahaan dalka Hindiya Aamir Khan, Jilaagan dowrka weyn ka qaatay filmka Dhoom 3 ayaa si weyn u jecel kubadda ciyaaryahankii hore ee kooxaha Barcelona, AC Milan iyo xulka Selecao Ronaldinho.
Ronaldinho ayaa lagu xusuustaa inuu dowr weyn ku lahaa hanashada koobkii shanaad ee Brazil xilli uu gool qurux badan misena ahaa midkii guusha ka dhaliyey xulka England sanadkii 2002 da, waxa uuna sidoo kale sedex sano kadib xulkiisa Seleceo la qaaday koobkii Confederation sanadkii 2005 ta.

Hirithik Roshan waxa uu taageeraa Cristiano Ronaldo

Hirithik Roshan vs Cristiano Ronaldo

Super Hero Hirithik Roshan ayaa taageero buuxda u ah xidiga loogu raadista badan yahay Google Cristiano Ronaldo, Hogaamiyaha Portugal ahna xidiga ugu sareeya kooxda Los Blancos ayaa jecel buuxo ka helo wiilka reer Roshan.

Xidigan kula guuleystay xulkiisa Portugal Koobkii dhawaan lagu soo gabagabeeyey dalka France ee Euro 2016 ka ayaa sidoo kale ku guuleystay sedex jeer Ballon D’or, Hirithik ayaase iska dhig dhiga Ronaldo marka uu la ciyaarayo kubadda asxaabtiisa.

Farhan Akhtar – Mesut Ozil

Farhan-Akhtar-Mesut-Ozil1

Aditya Roy Kapoor – Wayne Rooney

Aditya Roy Kapoor vs Wayne Rooney

John Abraham – Lionel Messi

John-Abraham-Lionel-Messi

Saif Ali Khan – Fernando Torres

Saif-Ali-Khan-Fernando-Torres

Akshay Kumar – Ricardo KakaAkshay-Kumar-Ricardo-Kaka

Ranbir Kapoor -Lionel Messi

Ranbir-Kapoor-with-Lionel-Messi