Home » WWE » John Cena oo laga yaabo in oo dib u helo Suunka United States Champion

John Cena oo laga yaabo in oo dib u helo Suunka United States Champion
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-05-16 12:28 PM

Warar xan ah oo la isla dhexmarayo ayaa soo jeedinaya inuu John Cena markale ku guuleysan karo suunka United States Champion marka uu riingaha kusoo laabto.

Xanta ayaa intaas inuu Cena marka bilaabi doono qorshihiisa tartanka furan ahaa isagoo legdanyahan kasta oo ka horyimaada fursad u siin doona inuu ku guuleysto suunkaan.

39 sanno jirkaan John Cena ayaa riingaha kusoo laaban doona Isbuuca soo aadan, shirkadda WWE ayaana la filayaa inay ka fogeyso inuu dagaal uu la galo AJ Styles iyo The Club oo ay dhowaan kala qeybsameen.

Si la mid ah shirkadda WWE ayaa la filayaa inay kala ilaaliso Cena iyo horyaalka WWE World Heavyweight Champion wiilka lagu magacaabo Roman Reigns.

Ma fileysaa inuu John Cena dib usoo ceshan karo suunka United States Champion kaasoo uu haatan heysto wiilka reer Bulgaria Rusev?