Home » WWE » John Cena Oo Shaaciyay Xilliga Uu Ka Fariisanayo WWE , Qofkii Doonaya In Aan Fariisto Halkaan Arin Ha Sameeyo”.

John Cena Oo Shaaciyay Xilliga Uu Ka Fariisanayo WWE , Qofkii Doonaya In Aan Fariisto Halkaan Arin Ha Sameeyo”.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 1:04 AM

Dad badan oo daawada ciyaarta musaaracada ayaa is weydiinaya goorta laga yaabo in lagdamaa John Cena ka fariisanayo WWE

Balse xoog weynahaan ayaa qaba fikrad kale oo taasi oo ka dawan waxa ay dadka kale aaminsan yihiin waxa uuna ka hadlay aragtidiisa ku aadan xilliga ay ku haboon tahay in uu ka dhex baxo xarigga lagdanka .

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ” ma jiro qof waligiis ku dhex jiraya xarigga lagdanka taasina qof waliba ayaa og , balse aniga waan ku sii jirayaa illaa muddo fog oo laga gaarayo in aan lagdamaa kale u baneeyo booska”

” Si waliba oo ay ahaato qofkii doonaya in aan ka fariisto WWE waxaa la gadboon in uu igu qasbo arintaas si aan u fasriito” ayuu sii raaciyay John Cena